Jawaab celin iyo Cabashooyinka

TransferGalaxy markasta waxay mudnaanta siisa jawaab celinta macaamiisha taas oo noo fududaysa inaan adeegeena si horumarino.

Marmarka qaarkood waxbaa qaldama, wayna haboontahay inaad nala soo xidhiidho si aan u xalino cabashadaada.

 

Talaabada 1: la soo xidiidh qaybta caawimada marka hore, ama iimayl noo so dir support@transfergalaxy.com marar badan isla markiiba wan xalina cabashada. ama waanu kugu so warcelin si dhakhso ah. mararka qaar waxan u baahanahay wakhti si aan u baarno kiiska 15 maalmood oo shaqo ah kadibna kula so xiriirno. Hadii aad rabtid waxaad naga heli kartaa jawaab qoraal warqadeed ah.

 

Talaabada 2: hadii aadan ku qanacsanayn siday u xaliyeen qabta caawimaadu kiiskaaga waxad noo so diri kartaa jawaab celin adigoo foomkan buuxinaya.

Sidoo kale waxaad u soo qori kartaa qoraal Sarkaalka Cabashada. Muse Abdille, Transfer Galaxy AB, Osmundgatan 12, 703 83 Örebro, Sweden.

 

Talaabada 3: hadii aadan ku qanacsanayn talaabada 1 iyo 2 waxad cabashadaada u gudbin kartaa haayada qaabilsan cabashooyinka ama maxkamad. Maadama oo xarunteena ugu wayn ku taalo Iswiidhan, Taas oo hoos tagta ARN oo aad ka heli karto wabsitekooda warbixin ingiriisi ah.

  

Macaamiisha ku nool Sweden waxay cabashadooda u gudbin karaan haayada Konsumenternas Bank- och Finansbyrå ama haayada cabashada deegaankaaga.

Macaamiisha ku nool meel ka baxsan Sweden waxay cabashadooda u gudbin karaan haayadaha qaabalinsan wadankaas.